Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Xaaf Oo Uga Digay dowladda Federaalka inay Farageliso Arrimaha Galmudug.



Sun 27 May 2018.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa uga digay dowladda Federaalka inay farageliso arrimaha Galmudug.

 

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Galmudug iyo Ahlusuna ay mid yihiin, isagoo ka saxay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee ahaa inay wada arkeen Ahlusuna iyo Galmudug

“Arrinta uu ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa jeclahay inaan u toosiyo, Ahlusuna iyo Galmudug waa mid, waa run waa wada aragnay Wasiirka, waa balanay wuxuu noo qabtay labo berri kaddib inuu war ku keenayo, balse aanu dib dambe ugu soo celin, sidaasna ay keentay inay isaga soo tagaan”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Waxaa uu uga digay dowladda Federaalka inay sameyso faragelin la mid ah tii dhacday 8 bilood ka hor, isagoo xusay in go’aanadii ka soo baxay shirkii Madaxda Iskaashiga dowlad goboleedyada uu ka mid ahaa in dowladda Federaalka ay joojiso Faragelinta maamul goboleedyada.

“Dowladda Federaalka waxaa uga digayaa in aysan sameyn faragelin, Galmudug waa xor, baarlamaan ayay leedahay, wixii go’aano ah iyadaa gaareysa, cidii shaqsiyaad oo banaanka istaageysa ayaga ayay u taallaa, anaga cidna ma fogeyno, waa soo dhoweyneynaa”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale waxaa uu farriin u diray Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, isagoo kaga digay inay joojiyaan faragelinta dhinacooda ka jirto.

Madaxweyne Xaaf ayaa u muuqday mid ka biya diidanaa shirka loogu yeeray Muqdisho ee 30-ka bishan, kaasoo ah shir ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha isugu keeneyso dhammaan Madaxda Galmudug ee uu khilaafka u dhaxeeyo.

Galmudug oo markii hore uu dhismaheeda ay hareeyeen khilaafaadyo ayaa weli u muuqata inay mar kale ay lugaha la galeyso khilaaf hor leh, iyadoo Madaxdii maamulkaas ay u kala jabeen Cadaado iyo Dhuusamareeb.

 


87 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines