Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Puntland “Beesha Caalamka Waxaa ay U Sheegtay Muuse Biixi inay ka Baxaan Tukaraq”



Sun 27 May 2018.

Puntland ayaa war-saxaafadeed ay goor dhow baahisay ku sheegtay in beesha caalamka ay ku wargeliyeen madaxweynaha Soomaaliland in ay isaga baxaan deegaanka Tukaraq.

“ Waxaa ay beesha caalamka u sheegtay maamulka inay dib uga baxaan deegaannada ay ku soo duuleen, laakin hoggaamiyaha maamulka wuxuu ku dooday inuu tagayo xadduuda uu Ingiriiska siiyay .. wuxuuna dhaga ka fureystay dhammaan soo jeedinaddii beesha caalamka wuxuuna duullan ku soo qaaday deegaanka Tukaraq ee Puntland.”ayaa lugu yiri war-saxaafadeedka oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyadda Puntland oo intaa ku daray “Dhul iyo dad ka tirsan Puntland ma bixin karo Ingiriis.. madaxweynaha Puntland wax gorgortan ah kama gelayo deegaannada dastuuriga ah ee Puntland mana bixin karto dowladda Federaalka dhul ka mid ah Puntland.” 

Labadii toddobad ee u dambeeyay Puntland iyo Soomaaliland ayaa ku dagaallamayay deegaanka Tukaraq, waxaa la aaminsanyahay dad ka badan 20 ruux oo labada dhinac ah inay ku dhinteen, iyadoo labada dhinac-ba uu guulo ka sheeganayay dagaalladii dhacay, mana jirto wax xal oo xiisada laga gaaray, dhinac walbana wuxuu wali ku sugan-yahay halkii uu horey u joogay - warka u dambeeyay ee hadda ka soo baxay Puntland wuxuu ka mid noqonayo hadallada ay saxaafadda u gudbinayaan hoggaamiyayaasha sare ee labada dhinac.



34 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines