Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Sucuudiga Oo Fashiliyay Weerar ay kusoo Qaadeen Xuutiyiinta Yaman.



Sat 26 May 2018.

Isbahaysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yaman ayaa sheegaya in ay fashiliyeen weerar la doonayay in lagu fuliyo diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Abha ee ku taalla Koonfurta dalka Sucuudiga.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso saacado uun kaddib markii fallaagada Xuutiyiintu ee dalka Yaman ay sheegeen in ay weerar dhanka cirka ah ay ku qaadeen garoonkaasi, arrintaa oo sida ay sheegeen carqaladeysay duulimaadyo dhawr ah.

Isbahaysigan uu Sucuudiga hoggaamiyo ayaa beeniyay in hawlaha garoonkaasi ay istaageen balse xog laga helay qeybta diyaaradaha laga hago ayaa sheegeysa in muddo kooban duulimaadyada dib loo dhigay.

Fallaagada Xuutiyiinta ayaa bilihii la soo dhaafay aad u kordhiyay tirada sawaariikhda ay ku ridayaan gudaha Sucuudiga.

Dowladda Sucuudiga ayaa ku adkeysanaysa in dowladda Iiraan oo taageerto Xuutiyiinta Yaman ay tahay in ay qaadato mas'uuliyadda weeraradaasi.



89 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines