Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Real Madrid Oo Markii Saddexaad ku Guuleysatay Koobka UEFA Champions League.(Sawiro)



Sat 26 May 2018.

Real Madrid ayaa markii saddexaad ku guulaysatay koobka UEFA Champions League kadib markii ay 3-1 ku garaacday kooxda Liverpool kulankii finalka ee magaalada Kiev ka dhacay. Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee intii magaca UEFA Champions league loo bixiyay tartanka kooxaha Yurub saddex xili ciyaareed oo xidhiidh ah ku guulaysatay koobkan.

Karim Benzema ayaa Real Madrid goolka furitaanka ugu dhaliyay qalad waali ahaa oo uu sameeyay goolhayaha Liverpool ee Loris Karius kaas oo ceeb iyo waji gabax xun kala kulmay kulankan laakiin Sadio Mane ayaa u muuqday in uu ciyaarta ka dhigay mid xiiso badan kadib markii uu Liverpool u keenay goolkii barbarraha.

Laakiin Gareth Bale oo kaydka ka soo baxay isla markaana buuxiyay booskii Isco ayaa gool cajiib ah Real Madrid hogaanka ugu soo celiyay isaga oo markale Loris Karius ku ciqaabay qalad kale oo murugo badan ku abuuray Liverpool waxayna Madrid guushan ku gaadhay 3-1 .

Mohamed Salah ayaa xili hore oo qaybtii hore ahayd dhaawac xanuun badan looga saaray isaga oo oohinta xejisan waayay balse sidoo kale Carvajal ayaa dhawr daqiiqo kadib isna garoonka oohin kaga baxay markii uu isna dhaawac soo gaadhay.

 



100 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines