Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Hogaamiyeyaasha Labada Kuuriya Oo Si Kedis Ah U Kulmay Xadka Labada Dal.



Sat 26 May 2018.

Hogaamiyeyaasha Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku kulmay xuduuda u dhaxaysa labada dal.

Kulankaan ayaa noqonaya kii labaad ee u  dhaxeeya Moon Jae iyo Kim Jong-un.

Waxa uu kulanka ku soo beegmay iyadoo ay labada dhinac wadaan dadaallo ku aadan in dib loo soo celiyo kulanka u dhaxeeya madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Khamiistii hore ayuu  madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu sheegay inuu  joojiyay kulankaasi oo loo balan Sanaa in uu qabsoomo 12-ka bisha Jun ee foodda inagu soo haysa, balse markii dambe ayaa la sheegay in weli uu dhici karo kulankaasi.

Wadahadalka madaxweyneyaasha labada Kuuriya ayaa ka dhacay dhanka tuulada Panmunjom truce, sidaasi waxaa sheegay xafiiska Mr Moon.

Mr Moon ayaa subaxa Axadda ah ku dhawaaqi doona natiijada ka soo baxda wadahadalkaasi.

Haddii ay qabsoomaan wadahadallada u dhaxeeya Mr Trump iyo Mr Kim waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii gacanka kuuriya looga baabi'in lahaa hubka nuclear-ka iyo didii loo dejin lahaa xasaradaha haatan taagan.



94 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines