Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Qaar ka Mid ah Wasiirradii Dhawaan la Magacaabay Oo Xilalka loo Dhaariyay.



Sat 26 May 2018.

Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa xilalkoodii kula wareegay Wasiiraddii dhawaan uu magaacabay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

Munaasabaddan ayaa dhaarta xubnaha cusub ee golaha Wasiirrada ku biiraya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, Labadiisa ku xigeen iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guueed Khadar.

Xubnaha maanta la dhaariyay oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru Dowlayaal ayaa mas’uuliyiinta hortooda lagu dhaariyay, marka laga reebo Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle oo safar dibedda ugu maqan.

Dhaarinta kaddib ayuu Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman kula dardaarmay Wasiirada in ay u dhega nuglaadaan la xisaabtanka guddiyadda Baarlamanka ay ku sameynayaan xubnaha golaha Wasiirrada.

24-kii Bishan ayay ahayd markii uu ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre soo magacaabay 13 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru Dowlayaal, kuwaas oo buuxiyay boosas u banana 12 ka mid ah yihiin xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.



67 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines