Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Carabey Oo Sheegay In la Marin habaabiyay Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna.



Sat 26 May 2018.

Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboledka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo maanta gaaray magaalada Cadaado ayaa ka hadlay khilaaf soo kala dhex galay madaxda sare ee Maamulkaas.

Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in la marin habaabiyey dib u heshiisiintii ka dhexeysay Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna sidii loogu talo galay laga booday,isla markaana taasi ay dhalisay kala fikir duwanaansho Madaxda Sare e Galmudug ah.

“Madaxda Dowladda iyo kuwa Beesha Caalamka waxa ay isku dayeen in khilaafka jira la xaliyo balse waa ay ku guul dareesteen,waxaana laga booday habka awood qeybsigii ku jiray heshiiskaas”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

“Ma aqbali doono in qodobadii heshiiskaas laga boodo,Cadaado waa xaruntii Baarlamaanka Galmudug,runtii waxaa ii muuqato in Dastuurkii Galmudug ee lagu heshiiyey laga booday,waxana la doonayaa in Wasiiro aan la iskala tashan la magacaabo balse anaga ma aqbali doono wax aanan talo ku laheyn.” ayuu sii raaciyay warkiisa Maxamed Xaashi Carabeey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka mid ah Xubnaha dhaliilsan Siiyaasada Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,isla markaana garab taagnaa Maanta Madaxweyne ku xigeenka Galmudug xilligii uu sheegayay in la la marin habaabiyey Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.

Hadalka ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa u muuqda mid sii xoojiyey khilaafka ka dhaxeeya madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug.

Khilaafka ka soo cusboonaaday Galmudug ayaa waxaa uu yahay mid mar kale kala qeybin doono maamulka labada dhinac, sida muuqata in Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay weli yihiin kuwo isku dhinac ah, halka Madaxweyne Xaafna uu hada heysto Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir.



61 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines