Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya Oo ka Hadlay Khilaafka Galmudug.



Sat 26 May 2018.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay Khilaafka soo gala dhexgalay Madaxda Sare ee maamulka Galmudug.

Wasiirka oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya maalmihii lasoo dhaafay ay waday dadaallo lagu xalinaayo Khilaafka.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn uga xun tahay Khilaafka soo gala dhex galay Madaxda Galmudug,islamarkaana Galmudug ay u baahan tahay in Madaxdooda ay is xaliyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in xilli ay waddeen dhexdhaxaadin in Magaalada Muqdisho ay ka dhoofeen Madaxda Galmudug. Madaxda Galmudug ayaa kala gaaray Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Galmudug.

Dhowaan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa uu ku sheegay isagoo jooga magaalada Cadaado in la marin habaabiyay heshiiskii ay hore u gaareen Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Hase yeeshee illaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in laga yaabo inuu ku dhowaaqo isku shaandheyn uu ku sameeyo golihiisa wasiirada.



55 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines