Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Daawo Madaxweyne Biixi Oo ka Hadlay Khasaarihii ka Dhashay Duufaanta ku Dhufatay Xeebaha Somaliland.



Sat 26 May 2018.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay khasaarihii duufaanta xeebaha ku dhacday keentay iyo dagaalka soo noqnoqday ee ka dhacay Tuko raq oo uu sheegay inay wadaan dawladda Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayey duufaanta iyo dhibaataddii ay sababtay waxa uu sheegay in ku dhowaad konton qof ay ku geeriyoodeen, isla markaana xoolihi ku madheen, halka guryihii badankoodii dumeen.

“Duufaantii dhacday meelo badan bay martay waxaanay dishay 49 qof oo toddobo qof ilaa hadda aan lahayn, waxa ku jiray shan caruur ah oo aan shan jir gaadhin, waxa dhaawacmay toddobaadan qof, sidoo kale 80%  xoolihii way dhinteen oo geelii ugu adkaa ayaa kuwii xeradda ku jirayna dhinteen kuwii banaanka jiray way dhinteen, waxaanay dhimashadu ku badan tahay labada degmo ee kala ah Baki iyo Lughaya”ayuu yidhi Biixi oo ka hadlayey dhibaataddii ay keentay duufaantii ku dhacday xeebaha.

Waxa kale oo uu ka hadlay dagaalka Tuko raq oo uu sheegay inay dhawrkii jeer soo weerareen ciidamada Soomaaliya, waxaanu sheegay in dagaalkaasi ay ka dambayso Soomaaliya oo muran xaga xadka ahi ka dhexeeyo.

“Puntland iyo Somaliland isma hayaan, wax colaad ah oo ka dhexeysay ma jirto waana dad daris ah, waa siyaasad ka timid Muqdisho oo dawladaasi soo goysay oo ay ku doonayso inay ka taliso Somaliland, waxaanu Farmajo caalamka u tusayaa inay SOmaliland tahay gobolada u taliyaan mid ka mid ah”ayuu yidhi.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in wada hadalo xaga telefoonka oo la wada xidhiidhsiiyey isaga, Farmaajo iyo Cabdiwali Gaas uu saddex goor ka baxay Cabdiwali Gaas, waxaanu xusay in arrintaasi uu markhaati ka ahaayeen ergayga UN-ta iyo Safiirka Maraykanka u jooga Soomaaliya.

 



71 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines