Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Oo la Kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.



Sat 26 May 2018.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku jooga magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Kulankan ay Addis Ababa ku yeesheen labada Ra’iisul Wasaare ayaa noqonaya kii u horreeyey tan iyo markii uu Dr. Abiy Ahmed noqday Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, Kobcinta dhaqaalaha, Horumarinta caafimaadka, waxbarashada, iyo amniga guud ahaan gobolka gaar ahaan sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka hadleen arrimo kale oo gaar ahaa, waxaana arrimaha la hadal hayay ka mid ahaa Heshiiska Dekeda Berbera oo ay qeyb ka tahay dowladda Itoobiya.

Kulankan ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Kheyre ku wehliyay Wasiirka Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda, safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya iyo xubno kale.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ku tagay Addis Ababa ayaa waxaa uu ahaa mid daba socday safar maalmo ka hor ay ku tageen Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada.



28 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines