Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mareykanka Oo Baaraya Khasaaraha ka Dhashay Duqeyn ay ka Fuliyeen Dulleedka Muqdisho.



Fri 25 May 2018.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee Africmo ayaa sheegay in uu soconayo baaritaan la xiriiran duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka ay ka fuliyeen dulleedka magaalada Muqdisho.

Duqeytan ayeey sheegeen in lagu bartilmaameedsaday dagaalameyaasha Al-shabaab’ isla markaana ay ku dileyn dhowr iyo toban dagaalame oo Al- shabaab ah.

Weerarkan oo dhacay Arbacadii ina dhaaftay ee 23kii bishan ayeey sheegeen saraakiisha Africmo in ay baarayaan in duqeyntaas dad rayid ah khasasro ka soo gasray iyo in kale.

Taliska Africom ee Maraykanka ayaa hore loogu eedeeyay in dad rayid ah ay ku dileen weeraro ay si wadajir ah uga fuliyeen dalka Soomaaliya ciidamada milatariga Soomaaliya



34 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines