Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Digniin laga soo saaray Duufaanno Hor Leh Oo ku soo Fool Leh Xeebaha Somaliya.



Fri 25 May 2018.

Duufaano hor leh ayaa ku soo fool leh xeebaha Soomaaliya, iyadoo la soo saaray digniin ku aadan khatarta duufaantaas.

Xarunta Saadaasha Cimilada ee Urur Goboleedka IGAD ayaa digniin ka bixisay duufaano ka soo kacaya gudaha Badweynta Hindiya, kuwaasoo ku soo fool leh xeebaha waqooyi Bari ee Puntland.

Khubarada ku xeel dheer dhanka saadaasha cimilada ee xarunta saadaasha Cimilada IGAD ayaa sheegay in duufaanadu ay dhanka waqooyi u sii socdaan, illaa ay ka gaaraan dalka Yemen illaa maalinta berri oo ku beegan 26-ka bisha May.

Duufaanadii ku dhuftay qeybo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Maamulka Somaliland ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin nafeed iyo mid hantiyadeed, waxaana ku dhintay roobabkii duufaanta watay dad ku dhow 30 ruux.



67 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines