Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wasaaradda Amniga Oo War ka soo Saartay Dhacdadii Shalay ka Dhacday Koontaroolka Ciidanka NISA.



Fri 25 May 2018.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday Koontaroolka Ciidanka NISA ku leeyihiin agagaarka KM-0, kaasoo gaari uu saarnaa Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka gudbay koontaroolkaas lagu riday rasaas.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in goobtaas ay ka dhacday hal xabad, taasoo askari ka tirsan Ciidanka NISA uu digniin ahaan ugu riday gaariga, kaddib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta koontaroolka.

“Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaageysaa shil kooban oo shalay galabnimadii abbaarahihii 5: 30 Galabnimo ee taariikh 23-May ka dhacay barta koontaroolka Ciidamada Amniga ay ku leeyihiin KM 0 ee Magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Amniga ay bilowday baaritaan la xiriira dhacdadaas.

Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay warar aan sal laheyn ee laga faafiyay Ciidamada Amniga, iyadoo ugu baaqday Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta dowladda inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qeyb qaadashada wararka lidka ku ah Ciidamada Amniga oo khal khal gelinaya xasiloonida iyo dowladnimada.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in la rasaaseeyay gaari uu saarnaa oo ahaa kuwa aan xabadaha karin, kaddib markii uu ka gudbay koontaroolka Ciidanka NISA, isla markaana uu markii hore askariga NISA uu

Xildhibaanka oo ah Guddoomiyaha Kutlada Baarlamaaniga ee mucaaradka ayaa sheegay inuu ahaa isku day la doonayay in lagu khaarijiyo, isla markaana uu dhowr jeer farriimo hanjabaad uu kala kulmay Ciidanka NISA, taasoo uu la wadaagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.



65 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines