Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Roobab Duufaano iyo Dabeylo Wata oo Ka Da’ay Magaalo Xeebeedka Lughaya G/Awdal iyo Isgaadhsiinta oo hawda Ka Maqan .



Sat 19 May 2018.

Xaalada magaalooyinka xeebaha gobolka Awdal iyo Salal wararkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha  ayaa waxey sheegayaan in roobab xoogan ka hooreen magaalooyinka Seylac oo uu roobab ka da’een kuwaasi oo aan wax khasaare u geysan degmada Seylac. Mana jirto waxa dabeylo iyo duufaano oo ka dhacaya magaalo Xeebeedkaasi Degmada Seylac .

Gudoomiyaha gobolka Salal Mawliid Maxamed Nuur ayaa ii xaqiijiyey in wax dhibaato ka jirin xeebt magaalada Seylac ,balse xeebaha kale u teedsan wuu ka gaabsadey .

Balse Dhinac kale waxa xaalada adag soo wajahdey magaalo xeebeedka Lughaya gobolka Awdal,halkaasi oo dabaylo xoogan iyo roobab ka da”een, kuwaasoo isgaadhsiintii deegaanadaasi ka gooyeen gobolka Awdal intiisa kale, waxana lagu soo warmayaa in bur bur xoogan soo gaadhsiiyey magaalo Xeebeedka Degmada Lugaya .

Wali ilaa imka intiisa kale dhulka lagama mar hayo xaalada ku sugan tahey taasi oo saaka 8 subaxnimo ugu dambeysey isgaadhsiin , mana jirto wax khasaare oo ilaa hada soo baxaya wixii warar .

Waxana boorama laga dareemayaaa gurmad deg dega oo loogu gurmanayo , magaalo xeebeedka lughaya ,balse ilaa imka masuuliyiinta dawlada gobolka Awdal kama Hadli Xaalada Deegaanadaasi .

Wariye Xuseen Caateeye Jaamac ( Xuseen Gaafane)

Boorama /Awdal



138 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines