Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Baarlamaanka Soomaliya Ayaa Ka Hadlay Xaalda Dagaal Ee Ka Taagan Tuko-Raq Iyo Baaq Ay Ka Soo Saareen



Fri 18 May 2018.

 

Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka JFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa looga hadlay dagaaladda maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday degaanka Tukaraq, wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada dalka iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha kalfadhigan iyo kan xiga horyaala golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  ayaa si waafaqsan qodobka 56-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka guddi uu heerkiisu sareeyo oo ka kooban sagaal xubnood u magacaabay saameynta fatahaadaha wabiyada dalka ay ka geysteen meelaha ay maraan si guddigan ay ugu kuur galaan xaalada dhabta ah ee deegaanada fatahaadaha ay saameeyeen.

Guddigan waxaa guddoomiye ka ah Mudane Cabdiwali sheekh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee golaha shacabka.

Dhinaca kale Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq in wax walba ay wada hadal ku dhameeyaan, loona turo shacabka lagu kor dagaalamayo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn kormeer shaqo ku tagay golaha shacabka oo todobaadkii labaad ay ka socdaan howlo dayactir ah, waxaana kormeerkiisa ku wehliyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka, habdhowraha golaha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka.

Muqdisho



97 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines