Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

GUDOOMIYAHA XISBIGA WADDANE EE GOBALKA TOGDHEER OO XUKUMADA SOMALILAND KU EEDEEYEY KALA DANBAYN LA’AAN.



Thu 19 April 2018.

-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradkaa Ee Waddani Ee Gobalka Togdheer Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob) Ayaa Wasiir Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Ku Eedeeyey Inuu Ku Tuntay Sharciigii Dalka Islamarkaasina Uu Wax Ka Bedel Ku Sameeyey Wareegtadii Madaxweynaha Somaliland Ku Magacaamay Agaasimayaasha Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland.

“Dalka Ayey Karaamo Dhac Ku Tahay Arinta Uu Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Ku Kacay Ee Ah Inii Wax Ka Badal Ku Sameeyey Wareegtadii Madaxweynaha Ee Lagu Magaacabay Agaasimayaasha Wasaarada Arimaha Gudaha , Arintani Waxaan U Arkaa Nidaam Cusub Oo Ay Soo Saartay Xukumada Uu Hogaaminyo Kornal Muuse Biixi, Waxaana Meesha Ka Baxday Kala Danbayntii Oo Qofkastaaba Shaqo Aanu Lahayn Ayuu Iska Qabsanaaya.” Ayuu Yidhi Gudoomiye Doob Oo Uwaramay Shebekada Gebogebonews

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradkaa Ee Waddani Ee Gobalka Togdheer Maxamuud Xasan Saleebaan Waxa Kale Oo Ka Hadlay Munaasibad Shalay Ka Dhacday Xarunta Maamulka Gobalka Togdheer Oo Xilka Loogu Kala Wareejinaayey Gudoomiye Ku Xigeenka Cusub Ee Degmada Balidhiig Iyo Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore.

Gudoomiyuhu Waxaa Uu Sheegay In La Majaro Habaayey Hanaankii Ay Ku Haboonad In Loo Qabto Munaasibada Waxanu Yidhi.

“Waxaa Gobalka Togdheer ka Dhacay Arin Aan Hore Loo Arag Oo Uguba,waxaa meel laga Dhacay haybadii iyo nidamkii,Gobolada Iyo Degmooyibnka Ismaamulkooda, waxaa meel lagaga dhacay xilkii gudoomiyaasha degmooyinka loo igman jiray,waxaa dhacday in degmada Belidhiig loo soo magacaabay gudoomiye ku xigeen cusub, xilkana loogu wareejiyey xarunta Gobalka togdheer,shaqadii gudoomiaha waxaa qaatay badhasaabka gobalka iyo xooghayaha gobalka, arinkaasi wuxuu meel ka dhac ku yahay nidaanka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka,arinkaana waxaan u arkaa dee nidaan cusub oo ay la timid xukumada cusbi”

Awdalmedia

Xigasho GeboGebonews.Com



42 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines