Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

WASIIRKA QORSHAYNTA OO QABYAALADDII QURBAHA LA SOO DHEX GALAY WASAARADDII QORSHAYNTA,KANA KACAY FAL DHIIG BAXA KU AH QARANKA.



Wed 18 April 2018.

Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac oo ah nin dhalinyaro ah oo laga filayay in uu la yimaado qorshe uu ku hogaamiyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo ah hormoodka Horumarka Qaranka, ayaa ku haftay hab maamulkii shaqadda lana yimi kuna mashquulay in uu Wasaaraddii lasoo galo qabyaalad iyo kala qaybin baahsan oo uu u horseeday Shaqaalihii Wasaaradda

Wasiirka Qorshaynta ayaa markii loosoo magacaabay Wasaaradda ahaa Wasiir aan xog badan laga hayn, tixraaciisa shaqo iyo aqoontiisaba. Waxaana laga dhur sugayay Habka uu u hogaamin doono Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, oo ah Wasaarad ay soo mareen dadkii ugu adkaa iyo Wasiiraddii ugu aqoonta badnaa Siyaasiyiintii soo maray Somaliland abid.

Wasiirka ayaa maalintii shalayto ahayd wuxuu soo saaray isku shaandhayn dhinac ka raran taas oo uu ugu hiiliyay Agaasime Waaxeedyaddii shaqadda Wasaaradda Qorshaynta ragaadiyay, oo uu ka mid ahaa Agaasimaha Waaxda Maamulka oo 20kii Sanadood ee ugu danbeeyay ahaa Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta, iyaddoo aynu ka wada dharagsanahay in Agaasimayaasha maamulku ay yihiin hoyga musuqa ee ladagayhabusocodka maamulka hufan ee Wasaaraddaha dawladda, inkastoo talaabo ay ka qaadeen qaar kamid ahaa Wasiiraddii cusbaa ee madaxweyne Muuse magacaabay oo isku shaandhayn sameeyay.

Mar haddii Wasiirku isku shaandhayn samaynayo waxa loo dhegtaagayay in uu nasiyo Agaasimaha Maamulka. Balse, taas badalkiisa waxa uu sameeyay Iskubedel uu kaliya ugu hiiliyay Agaasimayaashii ay isku reerka ahaayeen, sidoo kalana uu ku abaaray laba Agaasime oo kasoo jeeda hal beel. Wuxuu u magacaabay in uu Waaxda Istaatistikada Agaasime ka noqdo, Agaasime ku haftay Shaqadii uu ka hayay Waaxda iskuduwida (Coordination) kadib markii cabasho farabadan ay hay’adihii kasoo gudbiyeen. Sidoo kale muu taaban Agaasimihii Maamulka ee la filaayay in uu badalo.

Waxa intaas u dheer in Wasiir Cawaale lagu eedeeyay maamul xumo iyo musuqmaasuq baahsan, is dhexyaac iyo eex uu la soo galay goobtii shaqada, taas oo dhulka dhigtay habsami usocodkii shaqadda iyo dardartii Wasaaradda Qorshaynta. Waxa intaasba ka daran in Wasiirku Sharcigii NGO-yada Jabiyay oo uu garab maray (Xeer No 43/2010), isla markaana dadkii sharciyaqaanka ahaa ay aad ugu qosleen, sidoo kalena, ururradii arimaha bulshadu ay aad ula tacajabeen kadib markii ay ka dhex arkeen Isku bedelkii qabyaaladaysnaa ee Wasiirka inuu sharciga baal marsan yahay, kaas oo ah in uu Agaasimaha Cusub ee Iskuduwida uu u magacaabay Waax uu sii kala dhantaalay shaqadeedii, isagoo qaybtii diiwaangelinta oo ahayd masuuliyad uu sharcigu siiyay agaasimaha waaxda uu u magacaabay mid kamida shaqaalaha, taas oo baalmarsan sharciga.

Wasaaraddii Qorshaynta ayaa imika ku jirta xaaladii abid ugu xumayd, waxaana laga soo sheegayaa in hormoodkii wasaaradda iyo dhalinyartii aqoonta u ahayd wasaaraddu ay ka niyad jabeen, iyadoo qaarkoodna ay iskagaba tageen, kuwa kalana laga cabsi qabo in ay ka dareeraan.



121 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines