Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Agaasimaha CIA Mareykanka oo la kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi



Wed 18 April 2018.

Agaasimihii hore ee CIA Mike Pompeo ayaa wada hadalo qarsoodi ah la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi kaddib booqasho uu dalkaasi ku tagay horraantii sanadkan isaga oo kulan fool ka fool ah la qaatay Kim Jong Un.

Waxaa la sheegay in booqashadan tahay mid qeyb ka ah dadaallada socda ee waddada loogu sii xaaro kulan wayne lagu wado in uu dhexmaro hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyiiyo iyo madaxwayne Trump.

Warkan ayaa soo baxay mar la qabanayay wadahadalo ku saabsan Kuuriyada Waqooy oo dhexmaray Mr Trump iyo rai'sul wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Warbahinta dalka Mareykanka aya sheegtay in Mike Pompeo uu boqday Kuuriyada Waqooyi islamarkana uu la kulmay xilligii fasaxa Easter, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wax yar uun ka dib markii loo soo xulay in uu noqdo xoghayaha arrimaha dibadda.

Toddobaad ka dib saraakiisha aqalka cad ayaa waxay sheegeen in ay si toos ah u xaqiijiyeen in hogaamiyaha kuuriyada Waqooyi uu diyaar u yahay in wadaxajood uu ka galo suurtagalnimada in uu ka talabaxo hubkiisa Niyukleerka.

Mr Trump ayaa u muuqday in mar uu wariyayaasha kula hadlayay Mar-a-Lago oo uu sheegay in xiriirkii ugu heerka sareeyay ay la sameeyeen Kuuriyada Waqooyi uu ula jeeday kulankan.

Trump ayaa sheegay in wadahadalo heerkoodu sareeyo oo toos ah ay la yeesheen Kuuriyada Waqooyi ka hor kulan waynaha la qorshaynayo in ay la yeeshaan, Kim Jong-un.

Waxaa kuu ka hadlayay xilligaasi gobolka Florida waxa uuna kulan la lahaa ra'sul wasaaraha Japan, Shinzo Abe.

Waxaa uu noqon doonaa kulankii ugu heerka sareeyay tan iyo sanaddii 2000, markaasi oo xoghayihii arrimaha dibadda Madeline Albright ay la kulantay Kim Jong Un aabihis, Kim Jong Il.



79 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines