Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Howlgalka midowga Africa oo wada qorshayaal looga hortagayo Qaraxyada



Tue 17 April 2018.

Danjiraha midowga Africa u fadhiya Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay dadaaalo adag oo la doonayo in looga hortago qatarta  wax-yaabaha qarxa ee ku wajahan ciidamadda amaanka iyo shacabka Somaaliyeed intaba.

Francisco Madeira, madaxa howlgalka AMISOM ayaa ka sheegay furitaanka shirkii Afraad ee Labo sanadle ah oo looga hadlo ka hortagga qaraxyadda in isticmaalka ay qatar weyn ku keeneen Xasiloonidii wadanka.

“Sida ugu wanaagsan ee looga adkaaan karo wax-yaabaha qarxa waa in siyaasadeennu saxan tahay, waxba maahan inta techoolojiyad ee la howl-galinayo, waxaan u baahan doonaa in qof kasta uu doorkisa ciyaaro ayuu yiri” Madeira, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saray howlgalka AMISOM.

Waxaa uu ku booriyay Militry-ga booliiska iyo dowladdu in ay is-kaashadaan, si looga hotago isticmaaalka aaan kala sooca lahayn ee Qraxyadda.

Shirkan oo howlgalka AMISOM uu soo qaban qaabiyay ayaa waxaa looga golleeyahay in la kordhiyo awoodda ciidamadda Soomalida iyo kuwa AMISOM ay u leeyihiin in ay si buuxda uga hortagaan hubkan.

Madeira waxaa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sirdoon adag iyo xogta oo la wadaago iyo in si dhow shacabka loola shaqeeyo.

Howlgalka midowga Africa waxaa uu leeyahay Al-shabaab ayaa si adag u isticmaalay Waxyaabaha Qarxa si ay u dilaan ciidamo iyo shacab.

Wadooyinka ay ciidamadda isticmaalaan ayaa ah meelaha ugu badan ee miinooyinka qarxa ay qasaaraha ka geystaan, halaka mararka qaarna ay Al-shabaab gawaari u adeegsadaan weerarro qaraxyo ah.



43 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines