Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Aktarka Hindiga Ah Ee Salman Khan Oo Damiin lacageed lagu Sii Daayay Kadib Markii Maxkamed Ay Ku Xukuntey 5 Sano Oo Xadhiga



Sat 07 April 2018.

Maxkamad ku taal dalka Hindiya ayaa damiin lacageed ku sii deysay aktarka caanka ah ee Salman Khan labo maalmood kadib markii lagu xukumay shan sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay inuu toogasho ku diley deero sanadkii 1998.

Qareenka difaacaya Salman Khan ayaa su’aal ka keenay macquulnimada dadka marqaatiga ku furay aktarka. Khamiistii aynu ka soo gudubnay ayaa Khan waxaa ay maxkamada ku taal Jodhpur ku xukuntay shan sano oo xarig ah iyo ganaax gaaraya 10,000 rupees ($154).

Maxkamada ayaa ku heshay Salman Khan oo 52 sano jir ah inuu diley xayawaan la ilaaliyo xilli uu jilayay filim Rajasthan.

Khan oo labadii habeen ugu dambeysay ku hoyday xabsiga Jodhpur ayaa racfaan u qaadan doona maxkamad ka sareysa tan xukuntay.

Aktarkan ayaa markii afaraad lagu soo oogay inuu ugaarsaday xayawaan markii uu jilayay sanadkii 1998 filimka Hum Saath Saath Hain. Dacwada lagu soo oogay Salman Khan ayaa waxaa ay ka timid mujtamaca Bishnoi oo ah kuwa barakaysta deerada.

Salman Khan ayaa ka mid ah aktarada ugu caansan Bollywoodka dalka Hindiya waxana uu aktarkan ka soo muuqday aflaam ka badan boqol waxana uu leeyahay taageerayaal faro badan.



43 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines