Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Aqalka sare Oo Go’aano kasoo Saaray Khilaafka Golaha Shacabka Baaqna Udiray Xukuumada Farmaajo.



Wed 21 March 2018.

Guddigii Aqalka sare ee ku baxay xalinta khilaafka Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray go’aano dhowr qodob ka kooban, kaddib markii ay la kulmeen dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeyo iyo Madaxda dowladda.

Guddiga ayaa sheegay inay la kulmeen Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cawad, iyagoo kala hadlay arrinta khilaafka, isla markaana ugu dambeyn ay sahashay inuu aqbalo mooshinka.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay inay la kulmeen Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey, kana dalbadeen in mooshinka maamulkiisa loo maro si waafaqsan xeer hoosaadka.

Waxaa uu kaloo Guddiga la kulmay Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo ka dalbaday in Ciidamada la wareegay xarunta laga qaado, laguna soo celiyo ilaaladii joogay xarunta ka hor khilaafka, taasoo ay sheegeen inuu ka aqbalay.

Guddiga ayaa sheegay inay la kulmeen Madaxweynaha, ayna ka codsadeen inuu soo farageliyo khilaafka.

Guddiga ayaa ka codsaday dhinacyada khilaafka inay joojiyaan ololaha siyaasadeed iyo fariimaha ay warbaahinta isku weydaarsadeen, inta xalka laga gaarayo.

Waxaa kaloo ay soo dhoweeyeen aqbalaada Guddoomiye Jawaari ee sharciyadda Mooshinka, waxaa kaloo ay ugu baaqeen Guddoomiye kuxigeenka 1aad inuu muddeeyo xilliga la qabanayo shirka Guddiga joogtada, laguna go’aamiyo xilliga la qabanayo dooda mooshinkiisa.

Ugu dambeyn waxaa ay ugu baaqeen Xukuumadda inay ciidamada la wareegay xarunta Golaha Shacabka laga qaado, isla markaana dib loogu soo celiyo ciidamadii horay u joogay.



53 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines