Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dawlada Somaliya Oo Amartay In Caawa la Bilaabo Howl gallo Lagu Xaqiijinayo Amniga Muqdisho.



Sun 25 February 2018.

Dawlada Somaliya ayaa galabta kulan deg deg ah ku qabatay xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis waxaana kulan lugu gorfaynayay ammaanka iyo xasiloonida Caasimadda Muqdisho,iyadoo laga soo saaray go’aano la xiriira howl gallo baaritaano oo caawa ka bilaabanaya magaalada.

Kulankan galabta dhacay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kheyre, Wasiirka Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyaha Booliska, NISA iyo Saraakiisha AMISOM.

Wasiirka Amniga oo ugu horayn kulankan ka hadlay ayaa kula dardaarmay Ciidamada ammaanka inay dardar geliyaan howl galada amniga, lagana hortago weerarada cadawga sida uu yiri.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo isna la hadlay Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo todobaadyadii u dambeeyay warkooda la waayay waxaan uu ku amray xoojinta ammaanka Caasimadda, isga oo uga digay in ciidamada dhexdooda isku dhacaan.

Ciidamada Xasilinta ayaa lagu amray inay adeecaan Taliyeyaashooda, isla markaana u dhega nuglaadaan amarada la siinayo.

Howl gallada lagu dhawaaqay inay caawa ka bilaabanayaan magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalintii jimcaha ay qaraxyo iyo weeraro toos ah lagu dilay illaa sodomeeyo ruux, kaasoo ay sheegatay AlShabaab.



115 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines