Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Qodobo Laga soo Saaray Shirkii Amniga Jubbaland Oo Lagu soo Gabagabeeyay Kismaayo.(Sawiro+Video)



Wed 21 February 2018.

Shirkan oo mudo sedex maalmood ah ka socday magaalada Kismaayo ayaa lasoo gabagabeeyay maanta, ayadoo ay kasoo baxeen qodobo dhowr ah oo uu warbaahinta u aqriyay Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max'uud Sayid Aadan.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah wasaaradaha Jubbaland, saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka, saraakiil ka soctay AMISOM iyo madax ka socotay Qaramada Midoobay.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in mudadii uu shirku socday laga doodayay qorshaha howlgallo la filayo in ay ka biloowdaan guud ahaan dalka, gaar ahaan deegaanada Jubooyinka, isagoo xusay in sidoo kale laga hadlayay sida ay u wada shaqeyn doonaan ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland oo ka warbixinaya qodobada kasoo baxay shirka.

 



88 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines