Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Hoggaamiyihii Mucaaradka Zimbabwe Morgan Oo Goor-dhawayd ku Geeriyooday Dalka Koonfur Africa.



Wed 14 February 2018.

Hoggaamiyihii mucaaradka dalka Zimbabwe Morgan Tsvangirai ayaa lagu waramayaa in uu daqiiqado ka hor ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga MDC.

Mr Tsvangirai, oo ah 65-jir, ayaa ra’iisal wasaare ka soo noqday dalka Zimbabwe, ayaa la sheegay in uu ku dhacay ama u dhitay cudurka Kansarka caloosha ku dhaca oo muddo ku dhawaad labo sano ah oo uu la xanuusanaa.

"Waxaa uu geeriyooday fiidnimadii caawa, qoyskiisi ayaan la wadaagnay warka arintan ku saabsan ayuu yiri guddoomiye kuxigeenka MDC Elias Mudzuri oo u waramay Reuters.

Mudane Tsvangirai ayaa muddo dheer soo ahaa caqabad siyaasadeed oo ku hor gudbanaa madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe,taasoo sababtay in dhowr jeer la xiro Morgan Tsvangirai .

Xanuunka Tsvangirai ayaa la sheegay in uu kala qaybiyay Xisbiga MDC



122 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines