Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Beesha Caalamka Oo Ballanqaaday Inay Balaayiin Dollar ku Bixinayaan Dib U Dhiska Dalka Ciraq.



Wed 14 February 2018.

Wadamada deeq bixiyayaasha caalamka ayaa ballanqaaday inay bixinayaan tobanaan bilyan oo dollar looguna talogalay dib u dhiska dalka Ciraq kadib markii burbur ka soo gaaray dalkaas afar sano oo dagaalo lagula jirey ururka Daacish.

Dowlada Kuwait ayaa sheegtay in Ciraq la siinayo soddon bilyan oo dollar si dib u dhis loogu sameeyo, kadib shir saddex cisho ah oo wadamada deeqaha bixiya ku lahaayeen caasimada Kuwait.

Wadamada Qatar,Saudi Carabiya,Kuwait iyo Turkiga ayaa ka mid ah wadamada ballanqaaday lacagtan oo deyn iyo maalgelin toos ahba oskugu jiri doonta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraq Ibrahim al-Jaafari ayaa sheegay in deeqda la ballanqaaday aysan ku fileyn dib u dhisa dalka Ciraq.

Sidoo kale wasiirka Qorsheynta dalka Ciraq Ousai Abdelfattah ayaa dhankiisa sheegay toddobaadkii la soo dhaafay in Ciraq ay u baahan tahay qiyaastii $88.2bn halka $22bn ay tahay mid si dhaqso ah loogu baahan yahay.

Si kasta ha ahaatee,Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka mid ahaa dadkii abaabulay kulankan ayaa ku tilmaamay guul weyn shirka lagu soo gabagabeeyay magaalada Kuwait .

Shirkan oo abaabulkiisu ay ka dambeeyeen wadamada Kuwait,Ciraq,Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka ayaa dowlada Kuwait waxa ay ballanqaaday inay amah iyo maalgelinba ku bixineyso $2bn.

Sacudi Carabiya waxa ay ballanqaaday $1.5bn, dalka Qatar ayaa ku yaboohay $1bn halka dalka Turkiga uu bixinayo $5bn.

Sidoo kale Kulankan ayaa dalka suuriya waxaa loogu ballanqaaday malaayiin dollar oo dib u dhis ah kaasoo ka mid ah dalalka ku burburay la dagaalanka koxda IS.



122 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines