Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Illmo 5 Bilood Hooyadii Looga Haystay Bixinta Lacagtii Dhalmada Oo Maanta Dib U Heshay Ilmaheedii.



Wed 14 February 2018.

Isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Dalka Gabon ayaa sii daayey ilmo 5 billood jir ah oo ay kala hadheen hooyadii dhashay kaddib markii ay awoodi weyday inay iska bixiso kharashka xilligii ay dhalaysay gabadheeda.

Hooyada gabadhan dhashay ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay dib u hesho ilmaheeda yar iyadoo u mahadcelisay dadkii billaabay ololaha lagu caawinayo qoyskeeda taasoo looga bixinayay kharashka isbitaalka oo dhanaa in ka badan 3 kun oo dollar.

Madaxweynaha waddanka Gabon Ali Bongo, ayaa ka mid ahaa dadkii ka qaybqaatay ololaha tabarucaada.Waxaana la sheegay in agaasimaha isbitaalkaas la dhigay xabsigga maalintii Isniinta ahayd isagoo lagu eedeeyay falal afduub uu kula kacay canug yar, balse dacwadaasi ayaa lala laabtay maalin ka dib amrkii lagu soo oogay.

Hooyada ilmaha dhashay ayaa maamulka isbitaalka ku eedeysay in ilmaheeda aan la siinin wax tallaal ah.

 



128 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines