Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Booliiska Peru Oo Gacanta kusoo Dhigay Maxbuus Mataankiisa Isku Badalay.



Wed 14 February 2018.

Saraakiisha ciidamada ammaanka ee Peru ayaa dib u soo qabtay nin sanad ka hor xabsiga ka baxsaday isagoo isku badalay walaalkiis oo ay mataanno yihiin oo xabsiga kusoo booqday.

Alexander Delgado ayaa lagu xukumay 16 sano kaddib markii lagu eedeyay inuu dhac ka geystay xabsi ku yaalla waqooyi Lima, waxaana hada la geyn doonaa xabsi oo ammaankiisu aad u sareeyo.

Giancarlo ayaa bishii Janaayo xabsiga kusoo booqday mataankiisa, Alexander waxaana uu walaalkii siiyay daroogo, kadibna dharka ka badashay, dharkiisana u galiyay, xabsiga uga tagay,Waxaa lagu ogaaday arrintan kaddib markii Giancarlo farahiisa la baadhay.

13 bilood oo uu dhuumaaleysanaayay ayaa Alexander Delgado ayaa lasoo qabtay isniintii isagoo ku sugan magaalo xeebeydka Callao kaddib markii wasaarada arrimaha gudaha ay dul dhigtay lacag abaalmarin ah haddii meel lagu sheego Alexander.

Alexander walaalkiisa Giancarlo oo ah ninkii xabsiga looga tagay ayaa isna la fasaxay isagoo marka hore lagu eedeeyay inuu galay dambi ah wada shaqeyn.

Alexander oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sababta uu u baxsaday ay tahay inuu soo arko hooyadiisa.



70 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines