Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxwaynaha Kuurida Waqooyi Oo ku Baaqay in la Xoojiyo Heshiiska Hordhaca ah Ee Labada Kuuriya.



Tue 13 February 2018.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo jawiga dib u heshiisiinta curdinka ah ee ay abuurtay Kuuriyada Koonfureed oo martigalineysa ciyaaraha qabobaha ee Olimbikada.

Kim Jong-un ayaa Kuuriya Koonfureed ku amaanay martigalinta ciyaaraha ka dhacay Pyeongchang,waxaana furitaanka tartankaasi uga qeybgalay wafdi ay hogaaminaysay gabadha la dhalatay Madaxwaynaha Kuriyada Waqoooni Kim Yo-jong oo hadda ku noqotay waddankeeda.

Ka qeybgalka Kuuriyada Waqooyi ee ciyaarahan ay martigleineysa Kuuriyada Koonfureed ayaa loo arkay inay dardar gelineysa xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Mareykanka uu ufuranyahay in ay wadahaddla la yeeshaan Kuuriyada Waqooyi.

Booqashada Kim iyo Kim Yong-nam ayaa ah tii ugu horreysay oo ay xubna ka socdo Kuuriyada Waqooyi ku tagaan Kuuriyada Koonfureed tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii labada Kuuriya sanadkii 1950-kii,Hase yeeshe labada Kuuriya ayaan waligood si rasmi ah u saxiibin markii uu dhamaadey heshiis nabadeed ee la gaadhay waqtigii dagaalkaasi.

Sidoo kale Sabtidii ayay ahayd markii ay haweeneyda lagu magacabo Kim ay gudoonsiisay warqad Madaxweye Moon oo ka timid walaalkeed ,isagoo ku casuumayaa in uu soo boqdo Pyongyang,balse haddii uu kulankaasi qabsoomana ,waxay noqonaysa markii ugu horreysay oo hogaamiyayaasha labadda Kuuriya ay kulmaan.



139 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines