Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mareykanka Oo Walaac ka Muujiyay Rabshadaha Mar kale ka Bilowday Dalka Itoobiya.



Tue 13 February 2018.

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay rabshado dad ku dhinteen oo mar kale ka bilowday dalka Itoobiya, kuwaas oo looga soo horjeedo dowladda.

Dadka Rabshadaha wada ayaa dalbanayay in la sii daayo dhammaan siyaasiyiinta iyo warfidiyeenkii la xidhay intii ay socdeen rabshado dalkaa ka dhacay laba sano ka hor.

Rabshadahan ayaa ka socda laba gobol, waxaana la xiray waddooyin badan, meheradaha ganacsiguna waa la xayiray markii shalay Isniintii uu bilaabmay mudaharaadku.

Xeer ilaaliyaha guud ee Ethiopia ayaa sheegay in dhamaan eedaymihii lagu soo oogay siyaasi mucaarad ah oo aad loo yaqaan oo la yidhaa Bekele Gerba la yidhaa la laalay kuwaas oo ahaa kicin dadweyne iyo horseed qalalaase.

Sannadkii 2016-kii ayaa xaalad degdeg ah lagu soo rogay dalka waxaana la xidhay tobanaan kun oo dad bannaan baxayey ah.



156 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines