Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Xisbiga ANC Oo Shirkii Ugu Dambeeyay ka Yeelanaya Mustaqbalka Madaxwayne Jacob Zuma.



Mon 12 February 2018.

Hoggaamiyaasha xisbiga Koofur Afrika ee ANC ayaa yeelanaya kulan lagu go’aansanayo mustaqbalka Madaxweyne Jacob Zuma.

Guddiga fulinta ee xisbiga ANC ayaa suurtogal ah inay weydiistaan Jacob Zuma inuu xilka ka dago sida ay sheegayaan saxafiyiin ku sugan wadanka Koofur Afrika.

Madaxweynaha Xisbiga ANC Cryil Ramaphosa ayaa qirey in arrinta hogaamiyihii hore ee Koofur Afrika Jocob Zuma ay abuureyo midnimo la’aan.

Mr Zuma oo 75 sano jir ah ayaa wajahaya eedeymo ah inuu ku dhaqmay musuqmaasuqnimo kadib sagaal sano oo uu hayay talada wadanka Koofur Afrika.

Kulanka oo ka dhacaya pretoria ayaa waxaa ka qeybgalaya 112 xubnood oo ah guddiga fulinta waxaana ay ka tashanayaan sidii laga yeeli lahaa hogaamiyihii hore ee xisbiga ANC oo haatan haya talada wadanka Koofur Afrika.

Hoggaamiyaha cusub ee xisbiga ANC Mr Ramaphosa ayaa u sheegay boqolaal taageerayaashiisa ka mid ah kuwaasoo u dabaaldegayay dhalashada sanad guurada boqolaad ee aasaasihii xisbiga ANC Nelson Mandela.

Waxaa laga sugayaa Xubnaha Guddiga Fulinta ee xisbiga ANC in ay go’aan ka gaaraan caawa madaxweynaha dalka Koofur Afrika Jacob Zuma.



66 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines