Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Dowladda iyo AMISOM Oo la Wareegay Deegaanno ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.



Mon 12 February 2018.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo saakay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Goobjogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo ahaa mid culus uu dhaxmaray ciidamada dowladda oo gacan militari ka helaya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayeey ciidamada dowladda kula wareegeen deegaano hoostaga deegaanka Aw-dheegele.

Iska horimaad halkaa ka dhacay ayaa la sheegay inuu sababay qasaare soo kala gaaray labada dhinac. Sidoo kale rasaasta la isu adeegsaday ayaa waxaa ay wax-yeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaano ay hore u maamulayeen Al-shabaab sida Mubaarak, Daarusalaam, iyo degmada Awdheegle oo dhammaantood ka wada tirsan Shabeellaha Hoose.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowlada hase yeeshee baraha taageera ururka Al-Shabaab ayaa qirey in dagaalka uu dhacay.



114 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines