Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mayarka Borama Oo Albaabada U Laabay Shirkada BIYO-SIXA Iyo Shaqaalihii Wershadaasi Oo Muusanaw La Hortagay Dawlada Hoose.



Sat 10 February 2018.

Masuuliyiinta shirkadda soo saarta biyaha sifaysan ee loo yaqaan biyo-sixa ayaa maanta albaabada u xidhay wersheddaasi kaddib markii sida la sheegay maamulka dawladda Hoose ee Magaaladu kusoo rogay cashuuro ay sheegeen inaan xaq loogu lahayn,waxayna tobannaan ka tirsan shaqaalihii wersheddaasi cabasho la hortegeen xarunta Dawladda Hoose Boorama si ay u muujiyaan dareenkooda ku saabsan shaqada ay waayeen iYO welwelka nolol maalmeedkii ay ka heli jireen shaqada wersheddaasi.

Inkastoo anay masuuliyiinta dwladda Hoose iyo maamulka wershedda Biyo Sixa midkoodna ka hadal waxa sababay in wersheddaasi oo ah tan ugu weyn Soomaaliland albaabada loo laabo ,hase yeeshee dad ku dhaw dhaw maamu;lka shirkadda iyo qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa waqrb aahinta u sheegay in ,Maayarka Boorama badeecadda shirkaddaasi am biyaha ee ka baxaya magaalada ama soo geleysa kusoo rogay cashuur ,hase yeeshee maamulka wersheddaasi cashuurtaa ku tilmaamay mid an sharciga waafaqsanayn ,sida lagasoo xigtay masuuliyiinta shirkaddaasina cashuurtan ku sheegay mid iyaga lagu bartilmaameedsanayo.'' cashuurta nala duldhigay waxa weeye wax la yidhaa sales tax ama cashuurta iibka ,waxa naga qaadda dawladda dhexe ,hadiise maayarku leeyahay dakhliga dawladda Hoose wax nagala qabta ,dee ganacsatada kale ee bakhaarada leh iyaguna ha la saaro cashuurtaasi ,shalay uunbaan bixinnay in ka badan kun Doolar oo an gargaarka abaaraha kuwareejinnay.''sidaa waxa yidha hawlwadeen ka tirsan shirkadda Biyo sixa .

Xadhigga albaabada loogu laabay shirkaddaasi ayaa la sheegeyaa inay ka dambaysay markii maamulka shirkaddu ka shakiyey in dawladda Hoose usoo dirto ciidamada amniga loona xidho masuuliyiinteeda ama cashuurta u bixiyeen .Wasiirka ganacsagiga iyo wershedaha kanasoo jeeda G/awdal ama degaanka Boorama ayaa Boorama ku sugnaa wakhtiga laba dhinac isku qabsadeen cashuurtan lamana oga inuu ka warhayo iyo inkale khilaafkan .

Mulkiilaha shirkaddan Biyo sixa ayaa ka mid ah qurbajoogta reer Booramal ee Dalka Canada isagoo maalgelin xoog leh wershedden biyaha sifaysan soo saarta.



88 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines