Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dagaal Culus Oo Caawa Dhexmaray Ciidamada Dawlada Iyo Alshabaab Oo ka Dhacay Degmada Afgooye.



Sat 10 February 2018.

Dagaal ayaa caawa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo xoogag taabacsan Al-Shabaab.

Warka ayaa sheegaya in dagaalkan oo muddo kooban socday uu bilowday markii dabley ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisin ciidamada dowladu ku leeyihiin buundada yar ee isku xirta degmadaas.

Daryanka rasaas xooggan oo la isweydaarsanayey ayaa laga maqlay guud ahaan degmada Afgooye, iyadoo shacabka degmadaas ay la soo deristay cabsi.

Xaalada ayaa hadda caadi ku soo laabatay hadda, waxaana goobta dagaalku ka dhacay gaaray ciidamo kale oo ka tirsan dowlada kuwaasoo xoojinaya ciidamadii halkaas lagu soo weeraray.

Al-shabaab ayaa baraha internetka ee taageera ku soo daabacay in ciidamooda ay ka  dagalamayaan gudaha degmada Afgooye, ayna khasaare culus u geysteen ciidamada dowlada, balse Maamulka iyo saraakiisha ciidamada degmada Afgooye ayaan ka hadlin dagaalkan, mana jiraan warar madax banaan oo sheegaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.



115 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines