Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

PROF DIXOOD OO MARKALE KA HADLAY DHIBAATOOYINKA HORTAAGAN XUKUUMADA CUSUB EE MADAXWEYNE MUUSE BIIXI.



Sat 10 February 2018.

XUKUUMADA CUSUB EE MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI WAXAY LA KOWSATAY DURUUFO ADAG IYO DHIBAATOOYIN BAAHSAN OO AAN LA SOO KOOBI KARAYN, KUWAAS OO AY KA MID YIHIIN;

1. SICIR-BARARKA XADHKAHA GOOSTAY EE ILAA HADA LA XAKAMAYN KARI LAAYAHAY OO AY KA DHAXASHAY XUKUUMADII HORE EE MADAXWEYNE SIILAANYO EE KU SUNTANAYD "QAATAYE QAADO", WALOW MADAXWEYNE MUUSE UU DHAWAAN GUDI QIIMAYN KU SOO SAMEEYA UU U MAGCAABAY.

2. DOORASHADII MADAXWEYNAHA EE DALKA KA DHACDAY DHAWAAN OO BULSHADA REER SOMALILAND KU REEBTAY KALA QAYBSANAAN QOTA DHEER OO AAN HORE LOO ARAG, TAAS OO LAGA CABSIQABO IN AY KEENI KARTO XAALAD AMMAAN-DARRO OO BAAHSAN OO WAQTIGAN XAADIRKA AH AAN LOO BAAHNAYN.

3. DAGAALKA MUDADA BADAN SOO NOQNOQDEY EE U DHEXEEYA LABADA BEELOOD EE WALAALAHA AH EE KU WADA DHAQAN DEEGAANKA DARARWEYNE EE DEGMADA CEEL-AFWEYN OO SI WEYN LOOGA CABSIQABO IN UU SII BALLAADHO OO LA XAKAMAYN KARI WAAYO.

4. CADAADIS XAD-DHAAF AH OO DHAMMAAN BEELAHA SOMALILAND KU HAYAAN MADAXWEYNE MUUSE BIIXI, KAAS OO KU SAABSAN IN BEEL KASTA OO SOMALILAND AHI AY KA SALUUGTAMAYSO SAAMIGII LOO QOONDEEYEY, KADIB MARKII MADAXWEYNE MUUSE BIIXI UU SOO DHISAY XUKUUMADIISA CUSUB.

5. BEESHA CAALAMKA IYO QAAR KA MID AH DALALKA JAARKA LA AH SOMALILAND OO MADAXWEYNE MUUSE BIIXI KU HAYA CADAADIS ADAG OO KU SAABSAN SOMALILAND IN AY DIB UGALA SOO BAXDO CIIDANKEEDA DEGMADA TUKARAQ EE G/SOOL EE SOMALILAND, HALKAAS OO BEESHA CAALAMKU AY KA WALWALSAN TAHAY IN PUNTLAND IYO SOMALILAND UU KA DHEX QARXI KARO DAGAAL BAAHSAN OO LAGU HOOBTO.

6. DHAQDHAQAAQYO IYO BOROBOGAANDHE SIYAASADEED OO KA DHAN AH QARANIMADA SOMALILAND OO QAYBO KA TIRSAN QURBAJOOGA REER SOMALILAND AY BARYAHAN DAMBE KA ABAABULAAN KANA FAAFIYAAN DALKA DIBADIISA.

FADLAN SHARE AMA LIKE SAAR!



Views : 45



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Dawlada Somaliya Oo Amartay In Caawa la Bilaabo Howl gallo Lagu Xaqiijinayo Amniga Muqdisho.