Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Falaagada Kurdiyiinta Suuriya Oo soo Riday Diyaarad ay Leeyihiin Milatariga Turkiga.



Sat 10 February 2018.

Kurdiyiinta ka dagaalama waqooyiga Suuriya ayaa soo riday diyaarad kuwa qumaatiga u kaca oo ay leedahay dowladda Turkiga, halkaasi oo ay Dowladda in muddo ah ka waday howgal ka dhan ah dagaalyahanada Kurdiyiinta.

Diyaaradan oo lagu soo riday gobolka Afrin ee dalka Suuriya,ayaa waxaa ku dhintay Ugu yaraan labo qof oo sarnaa diyaaradaas, waxaana ilaa iyo hada aan kala cadeyn in diyaaradaasi lasoo riday ay tahay mid xamuul iyo inay tahay kuwa wax duqeeya.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Tayyip Erdogan oo ka hadlay diyaaradan lasoo riday ayaa sheegay in kuwii ka dambeeyay la ciqaabi doono.

Ciidanka lugta ee Turkiga ayaa bilooyin kahor u gudbay waqooyiga Suuriya, halkaa oo ay ka bilabeen howgal Turkigu uu kaga sifeynayo dagaallamayaasha kuridiyiinta oo ay dowladdu ku tilmaamtay argagixiso.

Dagaalyahanada YPG ayaa qeyb ka ah is bahaysi uu Maraykanku taageero oo ay ku jiraan tiro dagaallamayaal ah oo ka socda miliishiayada carbeed ee SDF.

Sikastaba ha ahaatee howogalka Turkigu uu ka wado waqooyiga Suuriya ayaa u muuqda mid sii murjinaya xaalada cakiran ee dalka Suuriya.



129 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines