Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Raiisul Wasaaraha Dalka Hindiya Oo Booqasho ku Tagay Dhulka Falastiin.



Sat 10 February 2018.

Raiisul wasaaraha dalka Hindiya, Narendra Modi ayaa booqday magaalada Ramallah ee daanta galbeed ee dhulka Falastiin, halkaa oo uu wadahadal kula yeelan doono madaxweynaha Falastiniyiinta Maxamuud Cabaas.

Raiisul wasaare Modi ayaa maanta ka ambabaxay dalka Urdun, taasi oo qeyb ka ah safaro uu ku marayo dalalka Cumaan, Imaraatka iyo dhulka Falastiin.

Booqashada raiisul wasaaraha Hindiya ayaa u muuqata inay tahay mid dowladda Hindiya ay isu dheelitireyso xiriirka kala dhaxeeya Falastiin iyo Israiil oo ay xurguf u dhaxeyso.

Dowladda Hindiya ayaa in muddo ah taageeri jirtay baahida loo qabo in Falastiin ay noqoto dal madaxbanaan, balse raiisul wasaare Modi ayaan booqanin daanta galbeed, kadib markii sannadkii aynu soo dhaafnay uu tegay Israiil, sidoo kale raiisul wasaaraha Israiil ayaa dhawaan booqday dalka Hindiya, halkaas oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay..

Booqashadan ayaa imaneysa xili uu sii xoogeysananyo xiriirka u dhaxeeyo Israiil iyo Hindiya, balse ilaa iyo hadda ma cadda waxa ay ka wada hadli doonaan iyo waxa kasoo bixi kara wadahadalka raiisul wasaaraha Hindiya iyo hogaamiyaha Falastiin.



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines