Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wasiirka Ganacsiga Somaliya Oo Xil ka Qaadis ku Sameeyay Agaasimihii Guud Ee Wasaaradasi.(Akhriso)



Sat 10 February 2018.

Wareegto kasoo baxday Xafiisa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka looga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda C/llaahi Xayir Ducaale iyo Agaasimihii Waaxda Ganacsiga C/qaadir Cismaan Maxamed.

Wasiir Maareeye ayaa Agaasimaaasha uu xilka ka qaaday gaar ahaan Agaasimihii guud ee Wasaarada ku eedeeyay maamul xumo iyo wax is daba marin, waxa uuna ku amray Agaasimaha xilka laga qaaday in uu si deg deg ah xilka u wareejiyo.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa si KMG ah agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga loogu magacaabay C/kariin Maxamuud Axmed oo horay u ahaa xilka Agaasimaha Waaxda Mashaariicda iyo xiriirka dowlad goboleedyad.

Halkan ka Akhriso Wareegtada xil ka qaadista



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines