Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ganacsadihii Uu Mareykanka Xayiraada kusoo Rogay Oo Beeniyay inuu Xiriir la Leeyahay Daacish.



Sat 10 February 2018.

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Mire Cali ayaa beeniyay inuu xiriir la leeyahay Ururka Daacish, kaddib markii Waaxda Lacagaha Mareykanka ay qoraal ay soo saartay cunaqabateyn ku soo rogtay Ganacsadahan iyo shirkad uu lahaa, iyadoo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Ganacsade Maxamed Mire Cali oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in eedeynta loo soo jeediyay aysan waxba ka jirin, shirkadiisa la yaqaano waxa ay ka shaqeyso.

“Aniga waxaa leeyahay Shirkadda Al-Mutafaq, shirkadeyda waxa ay ka shaqeyso waa la yaqaanaa wax qarsoon ma ahan, arrinta la sheegayo waa waxba kama jiraan”ayuu yiri Maxamed Mire Cali.

Waxaa uu sheegay in magaca ku soo baxay qoraalka Waaxda Lacagaha Mareykanka aanu sax aheyn, isla markaana magaciisa oo saxan uu yahay Maxamed Mire Cali Maxamed, halka Mareykanka uu sheegay in magaciisa yahay Maxamed Mire Cali Yuusuf.

“Maxamed Mire Cali Maxamed ayaa ley dhahaa, Maxamed Mire Cali Yuusuf leyma dhaho, hadii waxa la sheegayo wax ka jiraan caddeyn ha keenaan, waxaa diyaar u ahay inaan ka jawaabo, aniga idaacadaha ayaa ka maqlaa, xiriir naga dhaxeeyo iyo aqoon aan u leeyahay ma jiraan, waxa ay igu eedeynayaan waa wax ka baxsan xuquuqda bani’aadanimada, waxaa diyaar u ahay in aan meel walba oo sharciga soo istaago, hadii dambi leeyahay dambigeyga leygu qaado, hadii aan dambi laheyn xaqeeda aan helo”ayuu yiri.

Waaxda Lacagaha Mareykanka ayaa xayiraad ku soo rogay shirkado ganacsi iyo shaqsiyaad uu ka mid yahay Ganacsadaha Soomaaliyeed, iyadoo lagu eedeeyay inay dhaqaale siiyaan Ururka Daacish.



130 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines