Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Suuriya Oo soo Riday Diyaarad Daagaal Oo ay Leedahay Israa'iil.



Sat 10 February 2018.

Diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa'iil ayaa burburtay xilli la ganay gantaal nooca lidka diyaaradaha ee ay Suuriya leedahay kaddib markii diyaaraddu ay fulisay weerrar ka dhan ah bartilmaameedyo Iiraan ay ku leedahay gudaha waddanka Suuriya, waxaa sidaas sheegay milateriga Israa'iil.

Labadii duuliye ee diyaaradda wadday ayaa iyagoo badqaba baarashuut kaga booday diyaaradda kaddib markii ay ku burburtay waqooyiga Israa'iil. Isbitaalka ayaana markii dambe la dhigay.

Israa'iil ayaa sheegtay in diyaaradeeda dagaalka ee F-16 ay waday weerraro ay kaga jawaabaysay diyaaradaha aanay cidina wadin ee ay Iiraan leedahay oo gudaha u soo galay Israa'iil. Diyaaradahaasi aanay cidina wadinna markii dambe waa la horjoogsaday.

Ciidammada Suuriya ayaa rasaas furay kaddib markii Israa'iil ay ku dhaqaaqday fal daandaansi ah, waxaa sidaas lagu baahiyay warbaahinta qaranka.



83 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines