Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mareykanka Oo Cuna-qabateyn Saartay Ganacsade Soomaaliyeed iyo Shirkado Uu Leeyahay.



Fri 09 February 2018.

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo inay taageeraan kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

Shirkadahan iyo dadkan oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Filibbiin iyo Turkey, ayaa lagu eedeyay in uu xiriir ganacsi dhex maray kooxda iyo iyaga.

Waaxda lacagaha Mareykanka, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar, oo lagu eedeyay inuu dhaqaale iyo agabba ugu deeqay kooxda ISIS ee dalka Filibbiin.

Waxa sidoo kale cuna-qabateyn lagu soo rogey Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Profesyoneller Elektronik ee fadhigeedu yahay Turkiga, kaas oo lagu eedeyay in uu qeybo ka mid ah diyaradaha iswada uu u fududeeyay ISIS.

Mareykanka, ayaa sidoo kale xannibaad dhaqaale ku soo rogey, Ganacsade Maxamed Mire Cali Yuusuf, iyo shirkadihiisa Liibaan Trading and Al Mutafaq Commercial Company, sababtoo ah bey yiraahdeen doorkiisa ku aaddan taageerada ISIS ee Soomaaliya.



136 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines