Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Donald Trump Oo Saxeexay Miisaaniyada Maraykanka Kana Hadlay Waxyaabaha Lagu Khasbay Ee Ku Jira.



Fri 09 February 2018.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa saxeexay miisaaniyada dawlada ka dib markii ay ansixiyeen xildhibaanada aqalka Congress-ka oo ay maalmihii ugu dambeeyey hor taalay.

Saxeexa madaxweyne Donald Trump ee miisaaniyada ayaa soo afjaray xidhitaankii hawlaha dawladaha hoose iyo hay’addo federaal ah taas oo la soo bandhigay intii aanay maanta Congress-ku ansixin miisaaniyada.

Madaxweyne Donald Trump ayaa markii uu saxeexay miisaaniyada waxa uu sheegay in iyada oo dawladiisu aanay xildhibaano badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ku lahayn aqalka Congress-ka lagu qasbay inay kordhiyaan kharashka waxyaabo aanay u baahnayn, isaga oo soo hadal qaaday kordhinta lagu sameeyey kharashaadka ciidamada.



144 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines