Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

C/raxmaan C/shakuur Oo Su,aalo ka Keenay Jawaabtii Madaxwayne Farmaajo ka Bixyay Dhiibistii Qalbi Dhagax.



Fri 09 February 2018.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ahaa Musharaxiintii Xilka Madaxweynaha kula tartantay Madaxweyne Farmaajo ayaa su’aal badan ka keenay jawaabtii uu ka bixiyay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inay is weydiinta tahay sababta Madaxweyne Farmaajo lix bilood kaddib uu ka hadlo kiiska Qalbi Dhagax.

“Waxaa is waydiin mudan sababta uu Madaxweyne Farmaajo u ogolaaday in uu lix bilood ka gadaal ka hadlo kiiska Qalbi-Dhagax, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu taageerayo go’aankii Baarlamaanka ka qaatay dhiibista Qalbi-Dhagax”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa uu sheegay in Baarlamaanka uu sheegay in Qalbi Dhagax uu yahay muwaadin Soomaaliyeed, dhiibistiisa ay aheyd sharci darro, isla markaana Hey’adda Sirdoonka ay xog aan sugneyn u siiyeen Madaxda dalka.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Xukuumadda ay horay u difaacday go’aanka dhiibista Qalbi Dhagax, isla markaana ay sheegtay inuu sharci ahaa, ONLF ay ku tilmaamtay urur Argagixiso, Qalbi dhagaxna yahay dambiile.

Hadaba C/raxmaan C/shakuur ayaa shan su’aalood ku soo koobay jawaabtii Madaxweyne Farmaajo ka bixiyay.

1- Madaxweynaha miyuusan ogayn go’aanka Xukuumada?

2- Muxuuse uga aamusay?

3-Muxuu u doortay xiligan in uu ka jawaabo kiiska Qalbi-dhagax?

4-Sidan masuuliyad ma kaga haraysaa?

5- Sow lama oran karo hadii Baarlamaankii iyo Madaxweynihii isku aragti noqdeeen, Maxaa Xukuumada u yaala ?.



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines