Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mukhtaar Rooboow Oo Abaabul Dagaal ka wada Deegaannada Koonfur Galbeed.



Fri 09 February 2018.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshe dagaal oo la sheegay in Mukhtaar Rooboow uu ka wado qeybo ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasiir ku xigeenka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/risaaq Cabdi Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulku ka war hayo qorshaha Rooboow, isaga oo intaa ku darray in uu isku diyaarinayo dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Roobow in ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii uu Al-shabaab ula dagaalami lahaa, maadaama uu ka soo jeedo deegaanada Koonfur Galbeed, islamarkaana aqoon u leeyhaay sida uu hadalka u dhigay xeesha dagaal ee Ururka.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayuu sheegay in ay ka sugayaan go’aanka ugu dambeeya ee dagaalka loogu qaadayo Shabaab.

Sheekh Muqtaar Roobow ayaa tiro Saddex jeer ah waxaa uu tagay magaalada Baydhao ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiil Ciidan.



128 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines