Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Saraakiil ka Tirsan Dawlada Uganda Oo Shaqada Looga Eryay Musuq-maasuqa Dhinaca Qaxootiga ku Sugan Dalkaasi.



Fri 09 February 2018.

Afar sarkaal oo ka tirsan dowladda Uganda ayaa shaqada laga joojiyay kaddib markii lagu eedeyay in ay ka been abuureen tirada qaxooti ee ay diiwaangeliyaan.

Madaxa arrimaha qaxootiga Apollo Kazungu iyo seddax kale oo ku xigeenadiisa ah ayaa lala xiriirinayaa arrimahaasi. Waxaa sidoo kale baaris lagu samayn doonnaa saraakiil ka tirsan Hay'adda Qaramada midoobay in ay ku lug leeyihiin.

Tirada qaxooti ee ku sugan caasimadda Kampala ay yihiin 7,000 oo qof oo aan awoodin in ay iska bixiyaan nolol maalmeedkooda balse saraakisha ayaa u diwaangashan 26,000 qof taas oo u dhaxeysa tiro dhan 19,000 ayna qaataan dhaqaalahii ku aadi lahaa dadkaasi.

Uganda lagu ammaanaa in ay tahay waddanka ugu wanaagsan adduunka markii loo eego martigelinta qaxootiga,balse waa markii ugu horreysay ee dalkaasi lagu eedeyayay

Wakiilka qaramada midoobay u qabilsan arrimaha Uganda Rosa Malango ayaa ka dhawwjisay dhowr arrimood oo ah ka mid yihiin dafiraadda tirada qaxootiga, kuwaas oo haweenka iyo carruurta si xun lula dhaqma iyo dhac loo geystay dad qaxooti ah.

Uganda ayaa hadda martigelisa qaxooti gaaraya ilaa 1.4 milyan, taas oo noqoneysa tiradii ugu badneed in ay soo gashay sanadkii 2016ka. Waxayna qaxootidaan kasoo barakaceen wadamada Koonfurta Suudan iyo Congo.

Sikastaba ha ahaatee waxaa laga cabsi qabaa in deeq bixiyaasha ay ugu horreeyaan Maraykanka, Ingiriiska, iyo Midowga Yurub ay ka goostaan dhaqaalaha waddanka.



118 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines