Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Duterte Oo Amar ku Bixiyey In la Bur-buriyo Gaadiidka Qaali ah.(Sawirro)



Fri 09 February 2018.

Howlgal dad badan ka yaabiyay ayaa ka dhacay wadanka Filipiin ka dib markii dowladda wadankaas ay meel fagaare ah ku burburisay tobaneeyo gaari oo ah nuuca qaaliga ah ee ay isticmaalaan dadka maalqabeennada ah.

Go’aan kasoo baxay madaxweynaha Filibiin ayaa lagu burburiyay 30 gaari oo ah nuuca raaxada balse lacago Boqolaal Milyan oo dollar ah lagusoo iibiyay.

Rodrigo Roa Duterte oo ah Madaxweynaha Filibiin ayaa goob joog ka ahaa munaasabad lagu burburinayay gaadiidka, Baldoosarro ayaa ladulmariyay gaadiidka si aan si aysan rajo dambe u yeelanin.

Madaxweynaha Filibiin ayaa soo saaray wareegto mamnuuc ka dhigaysa in gaadiid si sharci darra ah la soo geliyo wadanka taasoo ka dhigan in tallaab adag laga qaadayo dadka isku daya in ay la dhuuntaan canshuurta dowladda.

Soddonka Baabuur ee la burburiyay ayaa lagu khasaaray lacag dhan labo Milyan iyo laba boqol oo kun oo dollar, dowladda Filibiin ayaa qorshahan ku cabsi gelinaysa dadka ku fikiraya in alaabo ganacsi wadanka soo geliyaan iyagoo ka dhuumanaya canshuurta dowladda.



146 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines