Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Al-Shabaab Oo Weeraray Saldhig ay Ciidamada Kenya ku Leeyihiin Deegaanka Katulo.



Fri 09 February 2018.

Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka dhacay fiidnimadii xalay deegaanka Katulo oo ka tirsan Wajeer halkaa oo saldhig ay ciidamada gaarka ah ee dalka Kenya ay weerareen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya Stephen Ngetich ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar ay sideedii fiidnimo waqtiga dalka Kenya ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Iskahorimaad socday muddo saacad iyo bar ah ayaa la sheegay in uu dhex maray labada dhinac iyadoo aan illaa iyo hadda la shaacin waxyeelada ka dhalatay iskahorimaadka.

Horaantii bishii la soo dhaafay ayaa dagaalyahanada ururka Al-Shabaab waxa ay burburiyeen xarun ay shirkada isgaarsiinta Safaricom ku lahayd gudaha dalka Kenya.



126 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines