Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wasiirka Maaliyada Bayle oo Caawa ka Dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.



Thu 08 February 2018.

Waxaa caawa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka duulay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaalle Beyle.

Wafdiga Wasiirka Maaliyadda ayaa Garoonka ka raacay Diyaarad dad shacab ah siday, taasi oo fiidnimadii caawa ka duushay Aadan Cadde.

C/raxmaan Ducaalle Bayle iyo wafdigiiaa ayaa u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna halkaasi uga qeyb galayaan shir ku saabsan dhaqaalaha oo 13-ka bishan ka furmaya magaaladaasi.

Wasiirka ayaa kahor inta uusan furmin shirka waxa uu si horudhac ahaan ula kulmi doonaa Madax ka tirsan Bankiga Adduunka iyo qaar ka tirsan Wasiirada Maaliyadda dalalka deriska ah.

“Waxaa caawa farxad ii ah in xilli habeen ah aan ka duulo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waliba aan raaco Diyaarad shacab, tani waxay cadeyn u tahay horumarka ay ku talaabsatay Dowladda Federaalka.” Ayuu yiri Wasiirka oo hadal kooban ku soo qoray bartiisa Facebooka.

Wasiirka Maaliyadda oo maalmo kahor shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sameysay horumar dhanka Maaliyadda ah, ayna rajeynayaan in laga cafiyo deymaha Dowladda lagu leeyahay.



Views : 33



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines