Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Bari Oo Xilkiisii ku Waayay Qaraxyo ka Dhacay Boosaaso.



Thu 08 February 2018.

Gashaanle sare Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen oo ahaa Taliyihii booliiska gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa maanta xil ka qaadis lagu sameeyay kadib markii lagu eedeeyay in uu ku fashilmay shaqadii loo xil saaray.

Guddiga amniga ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland oo kulan deg deg ah isugu yimid ayaa dood iyo falan qeyn kadib waxa ay isku raaceen in xilka laga qaado Gashaanle sare Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen.

Taliyaha ayaa lagu eedeeyay in uu ku fashilmay gudasha waajibaadkii loo xil saaray ee sugida dhinaca amniga, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uusan wax wada shaqeyn ah la laheyn maamulka gobolka iyo kan magaalada Boosaaso.

Guddiga amniga gobolka Bari oo ka kooban Wasiirka Dekaddaha, Gudoomiyaha gobolka Bari iyo saraakiil kale ayaa saxiixay iskuna raacay xil ka qaadista lagu sameeyay Taliyihii booliiska gobolka Bari.

Xil ka qaadista lagu sameeyay Taliyaha booliiska gobolka Bari ayaa kusoo aadeysa xili amaanka magaalada Boosaaso uu sii xumaaday ayna ka dhaceen maalmihii lasoo dhaafay qaraxo ,weeraro qorsheesan iyo dilal.



122 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines