Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Shirkii Golaha Wasiiradda Somaliland Oo Saddex Qodob Laga soo Saaray.(Sawiro)



Thu 08 February 2018.

Shirkii golaha Wasiiradda Somaliland ayaa maanta lagaga dooday dagaalka labadda beelood ku dhex maray gobolka Sanaag, abaarta ka jirta goboladda qaar iyo Duur-joogta wadanka oo dad ajanabi ahi dibadda u dhoofinayaan.

Shirkan golaha wasiiradda waxa shirgudoominayey Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa waxaa si mug leh loogu lafo-guray dagaaladda dhexmara qaar ka mid ah beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan Somaliland, saamayn tabanna ku yeeshay bulshada Somaliland, sidoo kale waxaa wasiirradu dareen adag ka muujiyeen dhalinyarada rabshadaha ka sameeya magaalooyinka waa wayn ee dalka qaarkood.

Golaha wasiirraddu waxay soo jeediyeen in ay lagama maarmaan tahay in la helo xal waara oo lagu xakameeyo lagagana hortago in isku dhacyada beeluhu aanay dib u soo noqon iyo in la xoojiyo nidaamka dawladnimada si bulshadu u hesho nabadgalyo buuxda, wixii dhibaato ah ee iminka jirana lagu dhammeeyo hab dawladnimo.

war-saxaafadeedkan waxa ku saxeexan Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, waxaana lagu sheegay in wasiirradu ka doodeen xaalad abaareed ee dalka jirta loona baahan yahay in la helo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagaga hortagi karo abaaraha dalka ku soo noqnoqonaya iyo in la sameeyo daraasad sal balaadhan oo ku wajahan abaaraha. Sidoo kale waxaa golaha wasiirradu ka hadleen ka ganacsiga noocyada duur-joogta oo qaybo dalka ka mid ah laga soo sheegay, gabagabadii shirka waxa ka soo baxay qodobadan:-

1. In guddida nabad-galyadda golaha wasiirradu ay daraasad qoto dheer ku soo sameeyaan sida looga hortagayo dagaaladda beelaha ee in badan soo noqnoqonayey.

2. In la sameeyo daarasad cilmiyaysan iyo qorsheyaal wax ka tari kara abaaraha soo noqnoqday, iyagoo kaashadaan aqoon yahan-nada iyo Jaamacadaha Dalka.

3. In sida uu dhigayo Xeer Lr: 69/2015 ay mamnuuc tahay in muwaadiniin iyo Ajaanib-tu ay ka ganacsadaan duurjoogta dalka nooc kasta oo ay tahay iyo falkasta oo lagu dhibaataynayo, “Duur –joog: waxaa loola jeedaa xayawaan kasta oo laf dhabar leh, ama bilaa laf-dhabar ah waxaana ku jira ugxanta iyo dhashooda, waxa ka baxsan bini’aadamka, xoolaha la dhaqdo iyo kalluunka”.



123 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines