Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Nin Hindi ah Oo Xaaskiisa Kali ka Xaday kadib Markii Uu ka Waayay Lacagta Gabatiga Ee Gabdhaha ku Waajibtay.



Thu 08 February 2018.

Haweenay lagu magacaabo Rita Sarkar ayaa ninkeedii ku eedeysay inuu si xatooya ah uga la baxay kalideedii taasoo uu ku doonayay inuu ku helo lacagta gabaatiga ah oo gabdhaha hindiya ku waajibtay.

Ninkan iyo walaalkii oo ay ciidamada boolisku xidheen ayaa la sheegay xaaskiisa ku qanciyay inay galayso qaliin xagga qabsinka ah kadibna markii ay caloosha ka cabatay labo sano ka hor ah,Balse labo baaritaan oo ay gashay sanadkii 2017-kii, ayaa lagu xaqiijiyay in mid ka mid ah kelyahdee ay maqantahay.

Haweenaydan oo sheegtay in ninkeeda uu si joogto ah u weeydiisan jiray lacagtii gabaatiga, oo dhaqan ahaan dalka Hindiya ay dumarka bixiyaan. Kaas oo inkasta oo ay dowladda mamnuucday 1961-dii, haddane wali aad loogu dhaqmo.

Haweenaydan oo dhibaatoyin badan muddo sanooyin ah kala kulantay ayaa warbaahinta u sheegtay in matkii ay qaliinka gashay kadib in ninkeeda uu aad ugu adkeeyay in aysan qofna u sheegin in ay qaliin gashay, balse muddo kadib markii ay xanuunsatay ay reerkeeda geeyeen isbitaal, halkaasna loogu caddeeyay in ay kelli ka maqantahay.

Sargaal sare oo booliiska ka tirsan oo lagu magacaabo Udayshankar Ghosh ayaa wargeyska Telegraph India u sheegay in ay fureen gal dacwadeed iyada oo la tixraacayo sharciga mamnuucista in la bixiyo xubnaha bini'aadamka.



115 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines